Gabar kamid ah kuwa ku nool magaalada Muqdisho , ayaa xalay xaflad dhalasho ah ku qabsatay Hotelka Beach View ee ku yaal Xeebta Liido Degmada Cabdul Casiis.
Intii ay xaflada socotay ayaa Gabadhan waxaa Hadiyado kala duwan gudoonsiiyay qaar kamid ah saaxiibadeeda, waxaase la yaab lahayd in Hadiyadaha la gudoonsiiyay ay kamid ahayd Biskoolad.
Soomaaliya oo 20 sano dagaalo ku soo jirtay Ma ahan wax cusub in tani dhacdo. Meelaha qaar canug dhasho ayaa rasaas loo ridaa ama aroos ayaa rasaas loo ridaa.
Arintaan ayaa xalay ilaa maanta waxaa si aad ah looga hadal haayay baraha bulshada ee ay Soomaalida ku kulanto, kadib markii ay gabadhan barteefa Facebooka soo dhigtay sawirka Biskoolada Hadiyad ahaanta loogu keenay.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![dhalsh[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/08/dhalsh1-300x225.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay