Maxkamad ku taalla magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin Soomaali ah oo madaxa looga jiro midi la dhex raacay dad raacay tareen.
Muxyadiin Mire oo 30 jir ah ayaa bishii Disember ee sanadkii hore toorey ku weeraray nin 56 jir ah oo lagu magacaabi jiray Lyle Zimmerman, isagoo isku dayay inuu madaxa ka gooyo wax yar ka dib markii ay ka degeen tareen ay soo wada raaceen.
Lyle Zimmerman ayaa waxaa badbaadiyey dadweyne goobta ku sugnaa, inkastoo uu soo gaaray dhaawac sababay inuu dhiig badan ka baxo.
Ninkan Soomaaliga ah ee xabsiga lagu xukumay ayaa waxaa la sheegay in Xaaladiisa maskaxeed aysan fiicneyn, uuna yahay nin isku buuqsan oo aaminsan in la daba joogo, waxaana haatan lagu xiray xabsiga weyn ee Broadmoor.



Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay