Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkaasi ku wehlinaaya mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee dowlada kuwaasi oo halkaasi uga qeybgali doona shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Somaliya iyo Sudan.
Shirka ayaa waxaa qeyb ka noqon doona madax ka socota dalalka Africa, iyadoo shirka diirada lagu saari doono xaalada guud ee Somaliya iyo colaadaha ka aloosan Koonfurta Sudan.
Shirkaasi ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda kale ee ka socda dalalka Africa.
Madaxweynaha Somalia ayaa marka uu shirkan soo gaba gaboobo waxa uu ujeedkiisa labaad yahay in si gaar ah uu ula kulmo madaxda ethiopia iyo Xubno kale oo ka tirsan deeq bixiyayaasha caalamka.
Madaxweynaha ayaa kulamada gaarka ah ku xalisan doona amuurihiisa gaarka ah ee la xiriira musharaxnimadiisa, waxaana la filayaa in halkaasi lagu gudoonsiin doono dhaqaale isaga u gaar ah oo lagu balamiyay.
Dhanka kale, intaa kadib Madaxweynaha ayaa kusoo laaban doona magaalada Muqdisho, oo ay ka soconeyso diyaar garowga doorashada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay