Ilhaan Cumar waa gabadh Somaliyeed waxayna ku guuleesatay in ay xubin ka noqoto golaha deegaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka , kadib doorasho ay la gashay dhowr Musharax oo kale.
Ilhaan Cumar ayaa u tartantay Xubinimada golaha deegaanka ee gobolka Gobolka Minnesoto ee degmada 60-B, halkaas oo Somali badan degan tahay waxa ayna gabadhan ka adkaatey Musharaxiinta kale ee Mohamed Nuur iyo Phyllis Kahn oo horey kursigaasi u haystay.
Natiijada Doorashada oo la shaaciyay ayaa muujineysa in Ilhaan Cumar ku guuleysatay iyadoona heshay codad gaaraya 41%, Musharaxa kale ee Soomaaliyeed Mohamed Nuur ayaa isna helay 30%, halka Musharax Phyllis Kahn iyana heshay 29% codadkii la dhiibtay.
Taageerayaasha gabadhan Soomaaliyeed ee guuleysatay ayaa si weyn ugu farxay Guusha ay gaartay , waxa ayna Ilhaan dhankeeda muujisay sida iyana ugu faraxsan tahay in ay kamid noqoto golaha deegaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.




Rashiid Ceelaanyo
![ilhan_3[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/08/ilhan_31-300x207.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay