Dalkaasi ku yaala Afrikada galbeed ee Burkina Faaso ayaa joojisay dhoofinta hargaha dameeraha kadib markii uu sare u kacay qiimaha hargaha ee laga dhoofiyo dalkaasi.
Burkino Faaso ayaa dameeraha u isticmaala in ay ku socdaalaan kuna xamaashaan, waxase hadda yimi in Shiinuhu aad u iibsanayo hargaha dameeraha taas oo keentay in qiimihu sare u kacay.
Dalkan yar ayaa ka baqay in dameeruhu ka dabar go’aan waxayna taasi keentay in ay joojiyaan ka ganacsiga hargaha dameeraha. Shiinaha ayaa la sheegay in ay hargaha dameeraha u isticmaalaan daawooyinka siiba kuwa dhiig yaraanta, qufaca qalalan iyo dawakha.
Dalkaasi Shiinaha ayaa taajiriintu cunaan hilibka dameeraha oo lagu tilmaamay in uu aad u jilicsan yahay iyadoo lagu daro xawaashyo kala duwan. Dheecaanka hilibka dameeraha ayaa sidoo kale ka qaaliya dalkaasi.
Waxaad is waydiin kartaa mala isku halayn karaa daawooyinka laga keeno Shiinaha iyadoo ay dhici karto in uu ku jiro dheecaano aan la garanayn halka ay ka yimaadeen.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay