November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Puntland oo diidey in wax ayna ogeyn Xasan Sheekh ku dhaqaaqo

Golaha Wasiirada maamulka Puntland oo shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ku gacan seyray qorshaha Qaran ee dhowaan dowlada Somalia ay sheegtay iney dalka u sameysay.

Goluhu wuxuu caddeeyey in aysan qayb ka ahayn qorshahaas oo ah bay yiraahdeen mid aan marna matelikarin Puntland, sidoo kale goluhu waxa cadddeeyey in ay sharcidaro tahay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay u sameyso qorshe dawladaha xubinta ka ah dawladda Federaalka,.

Waxaa guluhu sheegay iney dib eegis dhameys tiran ku sameyaan qorshaha Horumarineed ee Puntland, kaasoo ku saleysan dhinacyada ay Puntland uga baahan tahay horurimarinta iyo siinta mudnaan baahida dalka.

Puntland ayaa rabta in Somaliya la geliyo nidaam ayna qaadi Karin oo loo yaqaan Federaal kaas oo ah in xoolaha masaakiinta ay u gacan galaan dad aan waxba ku soo kordhin noloshooda.

bun1

bun2

bun3 (1)

bun3

bun4

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS