Askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa saaka wuxuu Darawal wada gaadhi Hindiga loo yaqaan Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Ninkaan Darawalka Mooto Bajaajka ayaanan la garaneyn sababta ka dambeysay, hayeeshe Mootada ninka dhintay uu waday ayaa xabada waxa ay kaga taala Muraayada hore, taasi oo muujinayso in Darawalka hore laga toogtay.
Ciidamada Booliska ee jooga Isgoyska Sayidka ayaa gacanta ku dhigay Askariga Nabad Suggida ka tirsan ee dilka u geystay Ninka waday Mooto Bajaajta.
Waxaa la sheegay Askariga in la geeyay Saldhiga Degmada Waaberi, halkaasi oo uu ku xiran yahay, iyadoo Booliska meydka Ninkii Darawalka ahaa ay u qaadeen Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed, si halkaasi baaritaano loogu sameeyo.
Mootadii uu watay ninka la dilay ayaa waxa ay hortaala Saldhiga Degmada Waaberi, waxaana la sheegayaa Booliska inay wadaan baaritaanka la xiriira sida dilka uu u dhacay.
Ciidamada Dowladda oo wata hubka Qaranka ayaa dilal bareer ah xilliyada qaarkood waxa ay u geystaan Dadka shacabka ah ee Magaalada Muqdisho ku nool.





C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay