21/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Orodyahan Maxamed Faarax oo ka fadhiisanaya orodka iyo sababta

Waxa xalay la soo gabagabeeyay ciyaaraha Olimnikada ee ka socday dalkaasi Brazil halkaas oo si cajiiba loo soo xiray.

Hadaba ciyaaryahanka Maxamed Faarax ee u orda dalkaasi Ingiriiska oo jabiyay rikoodhka tartanka kadib markii uu Ku guulaystey orodka 5000m Iyo 10,000m ayaa saxaafada u sheegay in uu kolka ka fariisanayo orodka.

Maxamed Faarax oo magaciisa u soo gaabiyay Mo Farah ayaa sheegay in da’diisu gaartey 33 jir oo kolka aanu u ordin karin sidii hore.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in uu gaadhey heerkii uu rabay oo uu afar biladood siiyay caruurtiisa midkiiba.

Wuxuuna intaa Ku daray in uu hadda rabo in uu waqti la qaato qoyskiisa oo uu muddo kaga maqnaa tababaro.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS