Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa xaaladu kacsan tahay kadib markii askari ka soo jeeda Hargeysa uu diley nin dadka deegaanka ah taasina ay keentay in dadku gadoodaan.
Askarta ka soo jeeda Hargeysa ayaa go’doon ku Jira waxana Jira ciidan deegaanka ah oo ugaadhsan raba waxayna uga baxeen magaalada dhinaca bari.
Inkastoo lagu jiro in xaalada la dejiyo ayaa hadana dadku aad u gadoodsan yihiin. Xarunta booliiska ee laga soo toogtey ninka ayaa waxa maamula nin Hargeysa ka soo jeeda waana halka gadoodka balaadhan ka jiro.
Waxa Jira gawaadhi la gubey iyo dhagxaan buuxa magaalada. Rasaasta ayaa socotaana dhici karta in dhimashadu korodhto maadaama askartu hoos dadka ugu foorariyeen.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay