November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada shabaab oo gaadhi ku qarxiyay Muqdisho: SAWIRO

Kooxda argagixisada shabaab ee lagu yaqaan xasuuqa muslimiinta ayaa gaari nuuca raaxada ah oo taagnaa Hoteelka Maka Al Mukarama hortiisa, layskana eegin waxa uu yahay u halmar qarxay.

Mulkiileyaasha huteelka ayaad moodaa in ay la shaqeeyaan argagixisada waxana la iswaydiinayaa sida gaadhigan loogu ogolaadey in uu halkaas taagnaado iyadoo aan la iska baadhin.

Khasaaraha ayaa la soo sheegayaa in ay Labo qof oo mid ahaa qof ku dhex jiray Baabuurkaasi kan kalena uu ahaa Darawal Mooto Bajaaj watay ay ku dhaawacmeen.

Ninkii gaariga ku dhex jiray oo dhaawac ah ayaa loola cararay Cusbitaalka sida dad goob joogayaal ah ay inoo xaqiijiyeen goor dhaweyd.

Ilaa hadda lama oga gaariga la qarxiyey Cida saarneyd iyadoo loo maleenayo in la beegsaday qof Xil haya.

Sawiro laga helay qaraxa ayaa waxay muujinayaan in Gaariga uu holcay uuna baaba’ay,Ciidan badan ayaa haatan jooga goobtaasi oo baaritaan sameenaya.

qrr4[1] qrr2[1]

qrr1

qrr5

qrr4

qrr3

qrr2

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS