November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Puntland oo diidey amarka qaadka ee ka soo baxay dawlada dhexe iskuna haysata dawlad jirta

Maamulka Puntland ee Cabdiwelli Gaas ayaa ka soo horjeestay go’aanka dawlada dhexe ku joojisay qaadka ka imanaya Kiiniya.

Afhayeenka maamulka Puntland C/llaahi Quraan-jecel ayaa sheegey inaanu qusayn go’aanka dowlada federaalka Soomaaliya ku hakisay dayuuradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.

Quraan-jecel ayaa intaa ku daray in garoomada dayuuradaha Puntland ay u furan yihiin Ganacsatada Qaadka iyo kuwa kaleba, isla markaana aanu saameyn doonin go’aanka maanta kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Somalia.

“Ka hor inta aysan go’aan gaarin Wasaaradda Duuliska Hawada Soomaaliya waxaa looga baahnaa inay arrintan kala tashato maamulada dalka ka jira, balse taas ma dhicin” ayuu yiri afhayeenka oo ka hadlayey sababta ay go’aankaas ugu gacan seyreen.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli) oo ah Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somalia ayaa sheegay maanta in laga bilaabo berri oo taariikhdu ku beegan tahay 6-da bishan, aanay diyaaraduhu qaadka kenya iman karin magaalooyinka dalka illa amar dambe isagoo aan sheegin wax sabab ah.

Maamulka Puntland ayaa si ka duwan maamulada kale ee dalka waxaa had iyo jeer caado u noqotay iney ka hor yimaadaan go’aamada ka soo baxa dowlada Somalia, iyagoo qeyb ka ah maamulada wax ka dhisay dowlada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS