November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Muwaadiniinta deegaaanada Lughaya ee lagu haysto dhulkooda oo maxkamad ka gudbiyay arintan

Muwaadiniin ka soo jeeda deegaanada Lughaya ee beesha dhexe ku qabsatey dhulkooda ayaa dacwad u gudbiyay maxkamada sare ee maamulka Somaliland sidaana waxa sheegay gudoomiyaha maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa la hadlay wargeys maxali ah ayaa u xaqiijiyay in shacabkaas oo ah muwaadiniin ka soo jeeda gobalada Awdal iyo Selel ay codsigaas shalay soo gaadhsiiyeen maxkamadda distooriga ah islamarkaana ay maxkamadu ka qabatay, waxaanu intaas raaciyay inay darsanayaan codsiga muwaadiniinta.

Muwaadiniintan oo ay tiradoodu tahay 12 muwaadin oo ka soo jeeda gobaladan, ayaa wuxuu nuxurka codsigoodu yahay in Maxkamadda distooriga ahi maadaama oo ay qaabilsanahtay doorashooyinka iyo xuquuqaha muwaadinka, inay iyagoo xuquuqdooda ilaashanaya ay ka dalbanayaan maxkamaddu inay xayirto lixdaas goobood in wax diiwaangelin iyo doorasho ah laga qabto, ilaa inta ay kala cadaanayso gobalka ay raacayaan, “Waanu ka qabanay muwaadiniintaas codsiga ay noo soo gudbiyeen.” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda distooriga ah ee Somaliland.

Talaabadan ayaa muujinaysa sida uu isbedel ugu yimid garsoorkii Somaliland islamarkaana ay u soo noqotay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen garsoor madaxbanaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS