Muqdisho-Araabinews–Argagixisada Shabaab ayaa qabiil ahaan u dishay xildhibaan Cabdullaahi Qayad Barre oo ka soo jeeda beesha Ciise kana tirsanaa barlamaanka Somaliya.
Xildhibaanka ayaa la dilay xilli uu ku sii wajahnaa xarunta Baarlamaanka, oo maanta Xildhibaanadu ay ku leeyihiin kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhameystiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Warka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanka lagu dilay agagaarka Isgoyska Ceel Gaabta ee degmada Xamar Jajab, iyadoo kooxihii falka dilka ah fuliyay ay goobta ka baxsadeen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay