10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shirkii IGAD oo dhamaaday iyo midnimada dalka Somaliyeed waan ayidsanahay

Waxaa la soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii 28aad ee IGAD oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho.

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda kabada Suudaan.

Ajandaha shirka looga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doono iyo xaalada Koofurta Sudan.

War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu xaqiijiyay Midnimada Soomaaliya, iyadoo lagu taageeray doorashada dadban ee dhowaan ka dhaceysa dalka.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay horumarada ay sameysay dowladda hada waqtigeedu dhamaaday, iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Kenya oo shirka kaddib la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac waliba leh, isla markaana ay ku faraxsanyihiin in shirka IGAD sanadkan Muqdisho lagu qabto.

Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo lagu qabto Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD sanadkii 1986.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa lagu ammaanay kaalinta ay ka qaadeyn nabadeynta Soomaaliya, waxaana la cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ku hayaan ciidanka AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Waxaa lagu dhawaaqay sanduuq dhaqaale oo Soomaaliya ay ku taageerayaan dalalka deriska ah iyo Beesha Caalamka

Hadaba halkan hoose ka akhriso War murtiyeedka oo ku qoran Luqada English-ka:-

war-murtiyedwar-murtiyed1war-murtiyed2

igad-sumit2igad-sumit1igad-sumit3igad-sumit4

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS