Usbuucii hore ayay ahayd markii dawlada Somaliyeed madnuucday qaadka ka imanaya Kiiniya waxase hadda Kiiniya shaaca ka qaaday garoomada ay ka soo degi jireen qaadka xilligii qaadku madnuuca ahaa.
Garoomada ay sida tooska u isticmaali jireen diyaaradaha Kiiniya ayaa hadda la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin garoonka Boosaaso, Gaalkacayo, Beledweyne, iyo Laascaanood. Kiiniya ayaa Somaliya u soo dhoofisa ilaa 25 diyaaradood oo qaada,.
Shalay oo arbaco ahayd waxa yimi Muqdisho laba diyaaradood oo kaliya maadaama aan la fileyn in la fasaxayo. Nin u hadlay iskaashatada qaadka ayaa sheegay in ay lumiyeen 25 milyan oo lacagta shilin Kiiniyaatiga ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay