Afhayeenka Maamul Goboleedka Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax, oo Kismaayo kula hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu maamulkoodu taageeray duqeyntii ka dhacday degaanka Jeexdin ee duleedka magaalada Gaalkacyo.
Seeraar, ayaa meesha ka saaray iney wax xiriir ah kala yeesheen Maraykanka go’aanka halkaasi lagu weeraray, wuxuuna tacsi u diray Dadkii ku dhintay duqeynta iyo eheladii ay ka tageen intuba.
Warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa Maalmahan qortay iney Jubbaland taageersan tahay duqeyntii ka dhacday Gaalkacyo, waxna ay ka ogeyd duullaanka ay Diyaaradaha Maraykanka halkaasi ku qaadeen.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![Maax4-640x427[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/09/Maax4-640x4271-300x200.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay