21/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Culimada Koofurta oo diidey kootada haweenka kuna tilmaamay mid gaalo wadato

Culimada Muqdisho fadhiya oo u kala jaban beelaha Hawiye iyo Daarood ayaa diidey kootada haweenka kuna tilmaamay mid gaaladu wadato una sheegay madaxda Somalida in ay diinta ka run sheegaan.

Culimada Koofurta oo warkan ka hor akhriyay saxaafada ayaa sidoo kale codsaday in aan la soo xulin dad khamri caba ama leh balwad. Waxa dad badan is waydiinayaan waxa hadda ay ugu soo beegeen.

Culimada qaarkood aya la fikira kooxaha xagjirka kaliya at kaga duwan yihiin in ay fikirkoda sanka dadka ka gelin. Culimada fadhiya Muqdisho ayaa si gaara uga soo horjeeda haweenka siiba kuwa isa soo sharaxay.

Arintaan ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xilli Murashaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya Sanadkaan ay Haweeney qeyb ka tahay kuwa kursiga u ordaya,xilli wasiiro iyo Xildhibaano haween ah ay dawlada Soomaaliya ku jiraan.

Baaruud2[1]Baaruud2[1]

culimo

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS