21/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gaafow oo shaqada ka eryay shaqaale badan oo ka tirsan hay’ada Nabadsugida

Jeneraal C/llaahi Gaafow, oo ah Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Somalia ayaa Shaqada ka eryay in ka badan 1,500 oo Askari iyo Saraakiil badan oo uu sheegay inay gudan waayeen Shaqadooda.

Gaafow ayaa sheegay in Askarta uu Shaqada ka cayriyay ku fashilmeen sugida Amniga, islamarkaana uu ku bedeli doono kuwa Cusub oo karti iyo awood leh, oo kahortagi karo Weerarada Al shabaab.

Saraakiish Shaqada NISA ee uu Gaafow Shaqada waxaa kamid ah Talihii Nabad Sugida gobolka Banaadir C/xakiim Fareey, oo lagu eedeeyay inuu ku fashilmay amniga Muqdisho.

NISA ayaa lagu tirayaa inay tahay Hay’ada kaliya ee ka dhaq-dhaqaaqdo Hay’adaha Amniga Somalia, waxaana ay soo martay Taliyaal kala duwan mudadii 4 sano ee lasoo dhaafay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS