Ciidamada Sirdoonka gaarka ah ee loogu tala galay la dagaalanka argagaxisada ee dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay nin la dhashay Wadaadka Dowlada Turkiga ku eedeesay in uu abaabulay afgembigii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay.
Magaalada xeebta leh Izmir ee dalka Turkiga ayey ciidamada amaanka kasoo xireen Kutbettin Gülen, oo la dhashay Wadaadka kunool dalka Mareykanka ee Fethullah Gulen oo ku eedeesan in uu abaabulay afgembigii fashilmay ee ka dhacay Turkiga 15kii July ee sanadkan.
Ninkna ay xireen ciidamada Turkiga ayaa la sheegay in dhawaan uu dib ugu laabtay dalka Turkiga, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu taageero weyn u yahay walaalkiis kunool dalka Mareykanka ee baadi goobeyso Dowlada Turkiga.
Ciidamada Turkiga ayaa sidan oo kale horey u xiray nin ilmo adeer yihiin Fethullah Gulen, waxaa sidoo kale Dowlada Turkiga xirtay qaarkoodna shaqada ka eriday dad badan ay ku eedeesay in ay taageersan yihiin Wadaadka maalqabeenka ah ee Fethullah Gulen.
Dowlada Turkiga ayaa bilowday dagaal ka dhan ah wadadakan ay ku tuhmayaan in uu maleegay afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi, waxa ayna Dowlada xabsiyada ku gurtay kumanaan taageersan asiyaasada wadaadkaasi .
Urur diimeedka Erdogan ee akhwaanka iyo kan Gulen ayaa mar saaxiibo ahaa hadase waa col aan is arki Karin.



RASHIID CEELAANYO
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay