22/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Siilaanyo oo kaligii ka soo degay London lagana qariyay taageerayaashiisa iyo sirta ku duugan

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo isaguy aan gacanta ku hayn maamulka uu madaxweynaha ka yahay ayaa London yimi shalay waxase cajiib noqotey in laga qariyay taageerayaashiisa.

Siilaanyo ayaa ka yimi Imaaraadka halkaas oo aan la garanayn waxa uu u tagey iyadoo heshiiskii Berbera cirka ku laalan yahay loona sheegay in arintu welli ahayn sidii la rabey kadib hadalki Xasan Sheekh.

Xerta xaga dambe ka maamusha maamulkiisa ee beeshiisa iyo xaaskiisa ayaa tacadiyo badan u gaysta dadka diidan maamulkooda iyo waliba dadka caadiga iyo wariyeyaasha. Booqashadiisa ayaan la iclaamin iyadoo laga baqayuo in la waydiiyo suaalo.

Siilaanyo oo aan waxba kala socon waxa xerta ku xeeran samayso ayaa laga baqaa in uu dhex dabaasho suaalaha, waana sababta ugu weyn ee loo qariyay.

Dawlada Ingiriiska ayaa ka walaacsan tacadiyada ay gaystaan ciidanka ay u tababareen, iyadoo9 ciidankaas ay u adeegsadaan in ay ku argagax geliyan dadka diidan nidaamooda iyo waliba dadka qaba fikrado kale.

Dawlada Ingiriiska ayaa kala hadfli doonta Siilaanyo iyo xerta ku xeeran in ay joojiyaan tacadiyadaha ay wadaan.

Siilaanyo ayaa Ingiriiska u kaxaystey gacan ku dhiigle Muuse Biixi oo ugu waaweynaa ururkii SNM ee xasuuqa ka gaystey gobolada Awdal.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS