Ruushka ayaa gantaalaha diyaaradaha geeyay xarun milatari oo uu ku leeyahay Siiriya kadib markii uu xumaadey xiriirka u dhexeeya iyaga iyo Maraykanka.
Madaxweynaha Ruushka ayaa amrey in gantaalada dib loo geeyo Siiriya iyagoo ogaadey in Maraykanku diyaarinayo in uu si xirfadeysan u soo rido diyaaradahiisa kadibna yiraa waxa soo ridey argagixisada.
Arintan ayaa imaanaysa kadib markii Maraykanku toos ula saftey argagixisada uuna weerar ku qaadey ciidanka Siiriya oo baacsanaya argagixisada Daacish.
Ciidanka Siiriya ayaa aargoosi kadib weerar ku qaaday mucawino u socotey argagixisada Daacish iyo akhwaanka uuna ku jirey hubka gantaalaha gacanta.
Si kastaba ha ahaatee lama filayo in Maraykanku nacasnimo sameeyo oo uu soo rido diyaaradaha Ruushka ee garaacaya argagixisada.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_91521111_mediaitem91521108[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/10/91521111_mediaitem915211081-300x169.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay