05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Turkiga iyo Ruushka oo xiriirkoodii sii hagaajiyay iyo tuunbo gaas oo ay saxiixeen

Madaxweynaha Ruushka iyo kan Turkiga ayaa saxiixay heshiis muhiima oo gaaska Ruushka keenaya badda madow gayna doona Yurub. Ruushka iyo Turkiga ayaa ogaadey in dantoodu ku jirto wada shaqaynta.

Turkiga ayaa taageera urur diimeedka akhwaanka oo burbur xoogan ka gaystey dalka Siiriya halka Ruushku la jiro dawlada Siiriya si meesha looga saaro argagixisada caalamiga iyo urur diimeedyada una ilaaliyo danta uu ka leeyahay bariga.

Siiriya waa wadanka kaliya ee Ruushku u gurmadey una diidey xulafadii uu watey Sucuudigu in ay burburiyaan halkaana masiibko ka dhalato. Xiriirka Ruushka iyo Turkiga ayaa ku xumaadey diyaarad Erdogan soo ridey.

Xiriirka ayaa dib loo wanaajay markii Erdogan raaligelin bixiyay kadibna tagey Ruushka si uu xiriirkaas u xumeyn. Ruushka ayaa isla markiiba qaadey cunaqabateyn uu saarey taas oo waxweyn u dhintey dhaqaalaha Turkiga.

Gaaska uu Ruushku u iibgoynayo Yurub ayaa sii maraya Turkiga halkaas oo Turkigu ka helayo dhaqaale farabadan. Dadweynaha labada wadan ayaa soo dhaweeyay xiriirka cusub iyo jihada uu dalka Turkiga ku wado raiisal wasaaraha Yildirim.

645x344-turkey-russia-ties-warm-up-signalling-future-cooperation-in-economy-tourism-military-1476123557588[1]

0x0-erdogan-putin-sign-agreement-on-turkish-stream-gas-pipeline-project-1476124773692[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS