05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Haweenay ku guulaysatey gudoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka muranku ka jiro ee Jowhar

Maamulka aan loo dhanayn ee Jowhar ayaa haweenay u doortey ku xigeenka gudoomiyaha magaalada Jowhar. Marwo Canab Axmed Ciise ayaa xalay tartan adag la gashay labo Musharax kale oo la tartamayay.

Marwo Canab Axmed Ciise ayaa heshay Codad gaaraya 47-cod halka Musharxii kale ee la tartamayay Mahad Xasan Cusmaan uu isna helay 41-cod, doorashadan ayaana aheed mid aad u adag oo la isla gaaray labo wareeg maadama ay ku tartamayeen Sadex Musharax.

Xalay Magaalada Jowhar waxaa lagu qabtay doorasho Taariikhi ah oo lagu dooranayay Gudoonka Baarlamaanka Jowhar waxaana gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi loo doortay Cismaan Barre Maxamed halka kuxigeenka koowaad isna loo doortay Cabdi Xuseen Geedi.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in magaalada Jowhar lagu doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jowhar waxaana dooarshadaasi ku tartami doona musharixiin dhoor ah oo saameyn badan ku leh labada gobol ee mamaulka loo dhisayo.

Reer Hiiraan ayaa iyagu dhistey maamulkooda lana baxay Hiiraan State.

geddi_3[1]geddi_4[1]

geddi_2

geddi_3

geddi_4

geddi_9

cana_1-1

cana_2-1

cana_3-1

rasho_9

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS