Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa laba toddobaad oo uu Ingiriiska joogo aan weli wax kulan ah la yeelan dawladda Ingiriiska, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo Isniinta toddobaadkan Hargeysa ku noqdo.
Madaxweyne Siilaanyo oo dalka Ingiriiska ay u raaceen wafti xisbigiisa ah oo fiisaha loogu qaadey in ay lacag urursi soona arkayaan taageerayaashiisa ayaa xataa taageero fiican ka waayay InGIRIISKA..”
Si rasmi ah looma oga sababta keentay in wax kulan ahi dhex mari waayo Silaanyo iyo madax ka tirsan waaxda arimaha Afrika ee Ingiriiska. Siilaanyo ayaa la sheegaa in uu guri ku leeyahay Ingiriiska waana halkii uu u baxsadey markii uu ogaadey in jagadiisii ay bedel tahay 1987.
SNM ayaa sidoo kale taageero weyn ka heshay idaacada Ingiriiska ee af-Somaliga ku hadasha ee BBC Somali xilliyada ay dagaalka jufeysan ka wadeen Hargeysa iyo Burco.
Dadka badankiisa ayaa qaba in Siilaanyo aanu muhiim ahayn maadaama aanu xukumin maamulka uu ku magacaaban yahay ee at hoosta ka xukumaan xaadkiisda iyo beeshiisa Habarjeclo.
Wasiirada Madaxweyne Siilaanyo la socda ayaa iyagu geestooda kulan la yeeshay xildhibaanad ka soo jeeda Eeshiya oo lagu magacaabo Rushanara Ali oo codka kaga hesha midabka ay tahay Somalida iyo Eeshiyada kalaba maadaama at degan tahay xaafad dadka Afrika iyo Eeshiya ku badan yihiin.
Rashiid Ceelaanyo
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay