Dawlada Ciraaq ayaa bilowdey in ay argagixisada ka xoreyso magaalada taariikhiga ah ee Moosul halkaas oo argagixisadu qabsatey laba sanno kahor dadkii wada deganaana ka qixisay , guryahana ku kala qortey muslim iyo gaalo.
Argagixisada ayaa xidid siibtey xadaarad nabada ku wada nooleyd iyo noloshii ay lahayd magaaladu qarniyo oo xataa rasuuladii ALLE waxba ka bedelin. Weerarka waxa hogaaminaya dawlada Ciraaq oo ciidamadu u badan yihiin dadka deegaanka.
Waxase ku jira geesiyinta Kurdida oo iyagu dhulkooda u diidey in argagixisadu soo cagadhigato iyagoo taageero ka helaya dawlada Maraykanka qaasatan dhinaca cirka.
Turkiga ayaa la filayaa in uu ku biiro weerarka iyagoo ka digey in Kurdiyiintu ka mid noqdaan kuwa weerarka qaadaya.
Si kastaba ha ahaatee lama garan karo sida looga sifeyn karo argagixisada Moosul maadaama lagu yaqaan in ay guryaha dadkii ay qixiyeen ay dhufaysyo ka dhigtaan.
Raiisal wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in magaalada Moosul ay geli karaan oo kaliya ciidamada dawlada oo u badan xilligan Suniyiinta magaalada iska leh ama CARABTA.
Qabsashada Moosul ayaa noqonaysa guul u soo hoyatey Ciraaq iyo dadkii ku noolaa waase la ogaan in argagixisadu guri nool uga tagto. Jeneral Kudiya ayaa laga soo xigtey ”haddii uu manta dhinto wuxuu noqonayaa nin fasraxsan waayo wax buu u qabtey dadkiisa”.
Taangiyada Kurdiyiinta ayaa socda dhulka cidlada ah ee balaadhan ee u dhow Moosul mana jiraan argagixiso u dhow waxana cad in ay guryaha Moosul hoosta kaga jiraan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_91949233_mediaitem91949230[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/10/91949233_mediaitem919492301-300x169.jpg)
![_91948678_5233cd55-1a92-434f-9b1b-3ac636ec0580[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/10/91948678_5233cd55-1a92-434f-9b1b-3ac636ec05801-300x169.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay