Kadib waraysi uu bixiyay wasiirka maamulka Somaliland u qaabilsan arimaha dibedda Sacad Cali Shire kuna sheegay in ka bixitaanka Ingiriisku ka baxayo Yurub ay sahleyso ictiraafka Somaliland ayaa jawaab deg deg ka helay Ingiriiska.
Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibedda qaybta barwaaqo sooraanka ayaa beeniyay in Ingiriisku ictiraaf u hayo maamulka Somaliland laakiin buu yiri ay ictiraafka ka raadsadaan Koofurta Somaliya.
Maamulka Somaliland ayaa muddo sheeganayay in ay ka go’een Somaliya inteeda kale oo iyaduna iska burbursanayd dawladna ka jirin. Waxayse rajaynayeen in Ingiriisku icitiraafo inta Somaliya inteeda kale qasku ka jiro.
Ingiriiska oo dhul Somaliyeed hoos geeyay Itoobiya marnaba diyaar uma ah in uu markale soo farogeliyay arimaha Somaliya, waliba xilli dawlada Somaliya ay muujinayso dhaqdhaqaaq kooban.
Ingiriiska ayaa danta hadda uu leeyahay ay tahay in uu qaybtiisa ka helo dhaqaalaha farabadan ee Somaliya leedahay.
Fikirkan qaldan ee ah Ingiriis ka baxay Yurub ayaa na aqooonsanaya ayaa u muuqda in uu halkaa ku dhamaadey. Shakise kuma jiro in Ingiriisku la shaqeeyo maamulka Somaliland una tilmaamo halka ictiraafku ku jiro.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay