10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Muuse Biixi oo isku shaandheyn dalbadey iyo wasaarado uu hadda jecelyahay iyo qodobo uu Siilaanyo hordhigey

Kadib shir doceed ka dhacay London oo u dhexeeyay beesha Siilaanyo iyo ta Muuse Biixi ayaa waxa Siilaanyo soo jeediyay in ay u taalo Muuse Biixi sidii uu ku kasban lahaa beelaha kale.

Waxa  uu   Muuse Ku Calaancalay in aan  habayaraatee aan laqadarin oo an Laqiimayn   Codsiyada  uu Soo Gudbiyo Xisbiga kulmiye si uu Taageero Siyaasi ah uga helo Beelaha  Somaliland,    Hadalka  Muuse Biixi  Madasha kajeediya oo aad  udheera ayaa  waxa  uu isugu  soo Biyo Shubtay  Dhowr Qodob  oo uu Kudirqiyay Madaxwayne Siilaanyo  isaga oo Goobta kacodsanay in aan    lagu  kala tagan inta uu Madaxwayne Siilaanyo  ka Aqbalayo.

 Qodabada  uu Codsaday Muuse Biixi………..
 
 
 In Mudo Xileedka  u hadhay Xukuumada Siilaanyo  ay Ka Shidaal Raadato Rabitaanka Xisbiga Kumiye  iyo Siyaasda  Xisbiga iyada oo Fulinaysa Kolba Wixii ay Dani   ugu Jirto Xisbiga Kulmiye
 
1: -Waxa  uu Muuse Biixi Kadalbaday Madaxwayne Siilaanyo isku Shaandhayn  Xukuumadiisa ah    isaga oo Codsaday  in Xilal Wasiiro ah loosiiyo Masuuliyiin  uu isagu Wato  si uu ugu Soojiito Beelaha  ay  kasoo jeedaan.
 
2: -Waxa  uu Dalbaday in Miisaaniyada Qaranka  Qayb  Waafiya Looga Garooco Xisbiga Kulmiye  si uu   ugu Galo  olalaha Doorashada
 
 
3: -Waxa  uu Dalbaday in  ay Madaxtooyadu  u ogolaato inuu Galaangal  Xoogle  kuyeesha Wasaarada Warfaafinta  iyo Warbaahinta Qaranka Waxana  uu Dalbaday in uu Isagu Kolba  ka go,aan gaadho  Qofka  Xilka  Wasaaradaas Qabanaya  isaga oo kuladhayn in Degdeg Wasaarada loodhaafiyo  Wasiir Cadaani lagana ilaaliyo Qof ay Haybta Guud Wadaagaan Gudoomiye Cirro.
 
4:- Waxa  uu Dalbaday  Xilalka Wasiirada Looga Dhigo Kuwo Meerto ah oo Wasiirkii uu   u arko inaanu  Beeshiisa Taageero Siyaasi ah uga haynin Xisbiga kulmiye uu Degdeg  Xilka uga Qaadi Karo.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS