10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Galmudug oo sheegatay in ay la wareegtay xaafad ka tirsan Gaalkacayo

Magaalada Gaalkacyo maanta waxaa ka dhacay Dagaal xoogan, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Aroortii hore ee saaka Galbeedka Magaalada Gaalkacyo laga maqlay Rasaas goos goos ah, taas oo markii dambe isku bedeshay Dagaal toos ah, oo labada dhinac ay isku adeegsadaan Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada Galmudug ayaa sheegtay in ay Dagaal kula Wareegtay Qeybo ka mid ah Xaafadaha Waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaan inta badan Xaafadda Garosoor.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Galmudug oo sheegay inuu hogaaminayo Dagaalka oo lagu Magacaabo Cali Yuusuf Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xaafado ka mid ah Waqooyiga Gaalkacyo iyo Goobihii lagu dagaalamay ay Galmudug Gacanta ku hayso,waxaana uu Xusay in Weerarka Maanta ay soo qaadeen Ciidamada Puntland.

Inkastoo hadda xaaladu degan tahay ma jiraan wax wara oo ka soo baxay dhanka Putland.

02[1]

dagal2[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS