Dalkeena Soomaaliya wuxuu leeyahay maalmo xusuus mudan oo aan la hilmaami karin shacabka Soomaaliyeedna ay u dabaal degi jireen.
Kacaankii 21 Oktoober oo uu hogaaminayey geesigii soomaaliyeed Maxamed Siyaad Barre ( Allah janadii haka waraabiye) ayaa gacanta ku dhigay maamulkii dawladdi Somaliya, islamarkaana waxaa maamulka madaxtinimada loo doortay Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo ahaa hogaamiyaha kacaanka.
Hadaba sanado kadib aya laga dareemay horumar balaadhan guudahaan dalka Somaliya.
Sababtuna waxay ahayed: Ummada Somaliyeed oo aaminsanyed fikir qudha oo ahaa Soomaalinimo ummada Somaliyeed oo lahayd hadaf qudha iyo midnimo.
Ugu danbeyntii markii la isku fiiriyo heerka aan maanta joogno waxaa Nasiib darro ah in Maanta aan dib u dhacnay dadkeeniina ay dacalada dunida iyo badaha ku dhamaanayaan ,qaarna qaxootiyada ku dhibaateesanyihiin halka dalalka Caalamku ay ku tallaabsadeen horumar ,, taas oo keentay in Soomaaliya loogu yeero Dal Fashilmay ,waxaana taa sabab u ah madaxdeedii oo noqday dhiig miirato danahooda kaliyana ka fakara tii shacabkana halmaamay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay