Shil gaadhi oo shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Arabsiyo ayaa Allaha u naxariistee waxa ku geeriyooday sadex qof oo labo dumar yihiin. Shilkan ayaa dhacay shalay abaaro kowdii duhurnimo.
Khasaaraha Dhimashada iyo dhaawaca ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay uu Dhowr jeer is-rogay Gaadhi yar oo Taksi ah oo ay la socdeen Saddexda Qof ee dhintay iyo Halka Qof ee dhaawacmay.
Labada Dumarka ah ee Shilkan ku Geeriyooday, ayaa midkood qudh-baxday markii Shilku dhacay, halka Gabadha kale iyo Qofka Ragga ahina ku Geeriyoodeen Cisbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley oo la geeyay iyagoo dhaawac ah.
Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Gabiley Dr. Jimcaale Daahir Cumar oo dadka shilka ku dhintey magacyadooda ku sheegay: Yurub Axmed Muxumed, Farax Cali Ducaale iyo Yuusuf Maxamuud Cabdillaahi, halka Qofka dhaawacmay Magaceedu yahay Umalkhayr Xasan oo ahayd Diwaralkii Gaadhiga Qallibmay.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa xilliga Gaadhigii ay wateen la Qallibmay waxay Safar ugu socdeen Gobolka Gabiley, wallow aan la garanayn Magaalada ay ku socdeen ee Safarkoodu ku jiheysnaa.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
![Warka-Shilka[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/10/Warka-Shilka1-300x225.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay