31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Markab sida walxaha qarxa oo Hindiya ka yimi oo Berbera lagu baadhay iyo Jabuuti oo soo wargelisay

Sida wararka aan ku helayno waxa todobaadkii hore dekedda Berbera ku soo xidhey Markab laga shikiyay kadib markii wadanka Jabuuti soo wargelisay maamulka dekedda Berbera.

Markabkan oo lagu magacaabo MSC ayaa Berbera ku soo xidhey isago markii hore ka yimi Hindiya laakiin soo maray dekedda Jabuuti. Markabkan ayaa la shegay in uu sidey BUDO laga sameeyo walxaha qarxa.

Baadhitaan kadib iyo ninka ganacsadaha ah ee lahaa ayaa waxa la shegay in la sii daayay budadiina la soo geliyay magaalada. Waxa walaac ka muujiyay budadan waxyada sirdoonka Jabuuti iyo caalamka.

Waxa Jirey tuhun ah in maamulka Somaliland at xarun u tahay argagixisada shabaab uuna yahay halka at uga soo degaan walxaha qarxa. Markabkan oo uu u rarnaa nin lagu magacaabo Khadar Cagaweyne ayaa loo soo daayay.

dekeda-berbera[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS