05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Haweenaydii u horeysay oo gaashaanle lagu taxay: SAWIRO

Haweeney ka tirsan ciidamada Booliska ayaa maanta loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle sare, iyadoo noqotay mid ka mida haweenkii ugu sareeyay ee heerkaas gaarta.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa u xiray darajada Gaashaanle sare haweeney kamid ah saraakiisha Booliska Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamed (Neero).

Sarkaaladan ayaa ah Madaxa hogaanka Is-dhaxgalka Bulshada iyo Booliska iyadoo lagu shaqadeeda iyo kartideeda, waxaana Faadumo ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kusoo biirtay 1971, iyadoo xilal kala duwan kasoo qabatay Booliska.

Taliyaha Boolsika ayaa sidoo kale darajooyin loo dalacsiiyay u xiray madaxa Waaxda ka hortagga tacadiyadda haweenka iyo carruurta Dhamme Idil Cabdullaahi Xasan iyo kuxigeenkeeda Dhamme Raxma Salaad Maxamed.

Taliyaha ciidanka booliska S/G Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ugu dambeyn ka hadlay goobtii dalacsiinta loogu xerayey saraakiishaan gabdhaha ah ayaa sheegay inay ku dadaalan in la xoojiyo booliska.

IMG_8367-1024x683-768x512[1]IMG_8326-1024x683-768x512[1]

img_8264-1024x683

img_8270-1024x683

img_8275-1-1024x683

img_8276-1024x683

img_8278-1024x683

img_8280-1024x683

img_8290-1024x683

img_8307-1024x683

img_8326-1024x683

img_8337-1024x683

img_8339-1024x683

img_8367-1024x683

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS