Nin shalay lagu toogtay albaabka Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nayroobi ayaa noqday Soomaali ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee Kiiniya.
Ninkan ayay sheegeen Booliska Kiiniya inuu yahay 24 sano jir ah oo ka soo jeeda degaanka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya, laakiin ma sheegin magaciisa.
Saraakiisha sirdonka Maraykank oo goobta lagu dilay ninkan Soomaaliga ah tagtay ayaa ka qaaday dhiig iyo calaamado kale oo baaritaan dheeraad ah ay ku sameeyaan, waxaana la sheegay inuusan wadan wax telefoon gacan ah laakiin laga helay SIM Card-ka Safari.
Wuxuu isku dayay inuu si xoog ah ku galo safaarada Mareykanka, isagoo sarkaal ilaalo ah Mindi uga dhuftay wejiga, intii aan toogasho lagu dilin.






C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay