20/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Puntland oo maxaabiis argagixisada Daacish ah xukuntey: SAWIRO

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland faraceeda magaalada Boosaaso ayaa xukuno dil iyo kuwo xabsiyeed ku riday maxaabiis katirsan kooxda argigixisada ee Daacish, kadib markii maanta maxkamada la horkeenay.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee shanta gobol iyo dambiyada culus Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunkaan, isagoo sheegay in xukun dil toogasho lagu xukumay dambiile Axmed Aadan Cabdullaahi Aw-cabdi oo kamid ahaa tababarayaashii Alshabab iyo Daacish, kuna dhashay magaalada Arabiyo ee Soomaaliland.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa sidoo kale dil toogasho ah ku xukumay Cabdulaahi Maxamed Aadan Cabdi oo ku dhashay magaalada Baydhabo kana mid ahaa argagixisada Shabaab.

Xukunada kale ayaa sidaan hoos ku xusan u dhacay.

Salaax Xuseen Ibrahim, oo katirsanaa argagixisada Shabaab waxay maxkamadu ku riday xabsi daa’in.

Cabdifitaax Jamaal Cabdi oo katirsanaa Shabaab waxay maxkamadu ku riday xabsi daa’in.

Cabdikariin Siciid Cabdi oo dhawaan lagu qabtay bistoolado uu kusoo qariyay doon ka timid Yemen waxay maxkamadu xukuntay 20 sano oo xarig ah.

Cabdiqaadir Mahad Nuux oo ah ganacsade oo hub lagu qabtay waxay maxkamadu ku riday shan sano oo xabsi ah.

Cabdirisaaq Xayir Dacar. waxay maxkamadu usoo celisya xoriyadiisii.

Farxaan Cabdulaahi Faarax oo aan qaan gaar ahayn waxay maxkamadu ku wareejisay laamaha cadaalada.

1 2 4 5

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS