November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Liiska xildhibaanadii Xasan Sheekh oo dib loogu doortey Kismaayo: MAGACYADA

Waxaa la soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose ee maamul goboleedka Jubbaland, ilaa 43 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ayaa lagu doortay magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Toban (10) ka mid ah dadka la dooray waa Haween ka tirsan beelaha dega Jubbaland, taas oo ka dhigeysa in haweenka ay Jubbaland kuraasteeda 43-ka ah ka heleen 23.3%.

Waxaa magaalada Kismaayo lagu soo gababeeyay doorashada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyado lagu doortay guud ahaan 51 xildhibaan.

Ku dhowaad kala bar 43-ka Xildhibaan ee lagu doortay Kismaayo oo ah 16 Xildhibaan ayaa noqday xildhinaano hore, waxyana lix ka mida noqdeen wasiir ka mida dowladdii waqtiyeedu dhammaaday ee Xasan Sheekh, halka wasiir kale laga joojiyay inuu tartamo.

Halkan ka akhriso

Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig: Xildhibaan iyo Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha.

Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibrahim: Xildhibaan, Wasiir Ku Xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.

Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac, Xildhibaan iyo Wasiir hore ee qoyska

Xildhibaan Xamza Sheekh Xasan Colow, Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Luul Cabdi Aden : Xildhibaan Federaalka ah

Xildhibaan Cabdulahi Yusuf Xasan: Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Cabdi Casis Cabdulahi Yusuf: Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali : Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Cismaan Ibraahim Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Maxamed Cumar Cali Caano-nuug : Xildhibaannadii KMG

Xildhibaan C/raaxman Kumiye Xirsi, Xildhibaan iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha

Xildhibaan Sahro Jaamac Qorsheel : Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Liibaan Osman Abdirahman: Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan : Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan : Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Cabdulahi Maxamed Aden-Shaacir: Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi : Federaalka ah