November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Raxmadii Alle oo u timi deegaano ka mida gobolka Awdal oo loo soo hayaamay

Deegaano badan oo ka mida gobolka Awdal oo ay u soo hayaameen Somali ka timi gobolka Togdheer iyo Somalida Itoobiya ayaa raxmadii ALLE u shubey.

Roobabkan oo lagu diirsaday ayaa inta badan ka da’ay degmada Dilla iyo hareeraheeda oo ka tirsan Awdal. Dadka deegaanada gobolka ayaa RABIOGOODA ka baryay in uu u soo gurmado halkaas oo RABIGOODU ka aqbalay una shubey RAXMADIISA.

Ilaa hadda lama sheegin in ay wax khasaare ah ka dhasheen roobabkaas. Waxase uu ahaa roob biyo dhigey inkastoo deegaanada Allaybaday uu ahaa mid tiix tiixa.

9b2b1fe09e708c847101fc558a45b24a[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS