29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada XALAB ee Siiriya ee Yuhuuda, Turkiga iyo Sucuudigu taageero oo markale la jabiyay: SAWIRO

Ciidanka xooga dalka ee Siiriya ayaa markale dhirbaaxo kulul ku dhiiftey argagixisada ku dhuumanaysa fooqaqa dhaadheer ee dadkii lahaa ay ka qixiyeen afar sano kahor.

Argagixisada oo dhufayso u yihiin daadraha dhaadheer ayaa lagu jabiyay qalcada weyn ee Muslimiintii hore kui jabiyeen gaalada ee ku taal bariga magaalada.

AKooxda Al-Nusra ee Yuhuuda iyo Turkigu taageero ayaa ku jabtyey goobta waxayna dalbadeen xabad joojin waxase diidey dawlada Siiriya oo rabta in si deg dega dadkeedu uga soo noqdaan xeryaha Turkiga.

Dhinaca kale  Yuhuuda ayaa gantaalo ku weerartey garoon ciidan oo u dhow Dimishiq mase jirin wax khasaare. Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa si toosa u taageersan argagixisasda Nusra iyo ta Sucuudigu taageero ee Daacish, halka Turkigu la jiro argagixisada Akhwaam Muslimiin oo ka dagaalanta XALAB.

Ciidanka xooga dalka Siiriya ayaa taageero ka hela wadamada ay daacada ka tahay la dagaalanka argagixisada sida Ruushka, Iiraan, iyo Masar.

Ciidanka Siiriya ayaa ku rajoweyn in ay dhawaan soo afjaraan xoreynta XALAB dibna u soo celiyaan wanaagii iyo sharaftii ay dadku kuwada noolaayeen gaalo iyo Muslim.

Sawirada hoose waa qalcada XALAB oo Muslimiintu ku jabiyeen gaa.lada laakiin hadda argagixisada la dhacday gantaalo uu Sucuudiga iyo Yuhuudu siiyeen. Waxa Siiriya dalxiis ka soo galayay malaayiin doolar.

Waxay argagixisadu burburisey goob kasta oo dadka Siiriya ka shaqaysan jireen sida goobaha duugoobey ee xataa rasuuladii u dhawaan in ay taabtaan.

syria_aleppo_citadel[1]The citadel, built on a natural limestone outcropping

syria_aleppo_citadel[1]The citadel, built on a natural limestone outcropping Citadel_of_Aleppo[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS