Qoraal ka soo baxay Wasaaradda degaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga ayaa lagu shaaciyey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas loo dhoofin jiray.
Ganacsatada Xoolaha Soomaalida ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa sheegay in qoraalkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mida ganacsatada xoolaha, amarna lagu siiyey in la hakiyo xoolaha.
Sacuudiga ayaa go’aankan u sababeeyey arrimo dhinaca caafimaadka ah, balse aan faahfaahin badan laga bixin.
Dawladda Sacuudiga ayaan illaa hadda si toos ah uga hadlin go’aankan ganacsatadu sheegeen inuu ka soo baxay, sidoo kale dowlada Somalia ayaan ka hadlin jiritaanka warkan.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka iyo xoolaha ku dhaqan degaanada miyiga ah.
Dhaqaalaha Soomaaliya intiisa badan ayaa ku tiirsan xoolaha dibeda loo iibgeeyo gaar ahaan dalalka Carabta, waxaana go’aankan u dhaawac u geysanayaa haddii uu muddo badan sii jiro dhaqaalaha dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![Boqorka[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/Boqorka1-300x169.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay