November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Axmed Muumin Seed oo la kulmay Muuse Biixi waxse maloo balanqaaday

Waxa xalay magaalada Hargeysa ku kulmey Axmed Muumin Seed oo boos la’aani ku dhacday kadib markii laga guulaystey doorashadii xisbigiisa Wadani ee u mudada ka ahaa ku xigeenka. Kulanka xalay Hargeysa ka dhacay ayaa saxaafada laga qariyay.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in Axmed Muumin Seed ogolyahay inuu Kulmiye ku biiro waxase ay dhibaato ka taagan tahay caaqilkiisa oo raba in kursi fiican beeshu hesho haddii uu KULMIYE ku biirayo.

Ma jirto wax cad oo Muuse Biixi u balanqaaday haddii beesha Axmed Muumin Seed ku biiraan xisbigiisa, waxase la isku afgartey in lawada hadlo markale, xilli Faysal Waraabe jeclaan lahaa in uu bal kuraas ka helo Boorama oo ku xigeen u noqdo xisbigiisa lagu kala tagey ee UCID.

Siyaasada qabiilaysan ee jufo jufada hadda u kala socotey ayaa meesha ka saartey in Axmed Muumin Seed helo kursiga uu raadinayo.

Muuse Biixi ayaa QUUS ka qaaday gobolka Awdal wuxuuna ku qasban yahay haddii uu rabo in beeshiisa Habarawal kursiga hesho ay hesho codka reer Awdal ama kala jabiso beelaha waaweyn ee hadda is biirsadey taas oo hadda u muuqata mid lagu tagey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS