Ku dhawaad 33 Ruux ayaa ku dhimatay kuwa kale oo badana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari nooca Truck ah oo shidaal waday uu ku qarxay wadada xariirisa magaalada Nairobi iyo deegaanka Naivasha.
Warar kale ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaareyso ilaa 40 ruux, kaliya labo ruux ayaana ka bad baaday qaraxaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in wadaha gaariga booyada ah oo waday shidaal uu koontarooli waayay gaariga taasna ay keentay inuu qarxo.
Wadada uu shilkan ka dhacay ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu mashquulka badan dadka ay waxyeelada soo gaartay ee qaarkood dhintay ayaana ahaa kuwa gaadiidkooda ku watay wadada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay