November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2016-10-07 18:21:18Z | | ÿþÿÿÿþÿÿÿþÿÿÿÔÿAÀþ

Gabadh Somali ah oo arin fajac noqotey ka samaysay dalkaasi Qadar

Gabadh Somali ah ayaa arin fajac ka samaysay dalkaasi Qadar sida ay qoreen wargeyso ka soo baxa dalalka Khaliijka. Gabadhan oo aan magaceeda la sheegin ayaa dhacdadani ka dhigtey dalkaasi Qadar.

Maxkamadda ku taal dalkaasi Qadar ayaa haweenayda Somalida ku heshay dambi ah in ay ku kacday isbaaro ay u dhigatey tagaasida dalkaasi, waxana lagu xukumay hal sano iyo masaafurin.

Haweeneydaasi oo aan Saxaafadda loo soo bandhigin magaceeda iyo da’deeda ayaa lagu helay inay Taksiile ku joojisay Deegaanka Al-sacad ee magaalladda Dooxa, iyadoo Dareewalka moodayey inay doonayso in horey loo sii qaado.

Haweeneyda markii ay Taksiga raacday ayey Dareewalkii isugu sheegtay inay Sarkaal Boolis oo ka shaqeeya Waaxda Taraafikadda ee Madiinat Khalifa Traffic department.

Waxay Dareewalkii ka codsatay inuu tusiyo Waraaqihiisa Aqoonsiga iyo Laysinka iyo Diiwaan-gelinta Gaariga, balse waxa uu tusiyey Kaarkiisa Aqoonsiga, wuxuuna u sheegay in Dukumentiyada kale ay yaallaan Xafiiska Shirkadda Taksiga.

Waxaa lagu sheegay inay Haweeneyda ka codsatay Taksiilaha inuu toos u abaaro Waaxda Taraafikadda ee Al-rayaam, waxayna markii ay halkaasi tageen ka codsatay lacag dhan 6,000 oo Riyaalka Qatar, wuxuuse u sheegay inuu haysanin Kharajkaasi badan.

Waxay ka qaadatay Lacagtii uu hayey oo dhamayd 400 Riyaalka Qatar, kadibna waxay ka codsatay inuu u kaxeeyo Deegaan kale.

Boliska ayuu Dareewalkii ku wargeliyey arrintaasi, waxaana muddo kooban kadib lagu guuleystay in la soo qabto Haweeneydii Soomaalida, taasi oo qiratay Dembiga lagu soo oogay, oo ay ku muteysatay Xabsi Hal sanno iyo in loo soo tarxiilo Somalia.

Soo akhrintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

SOURCE: GULF NEWS