Dhiigmiiratada shabaab ee dadkeena ku xasuuqda Koofurta Somaliya ayaa isqarxin ka gaysatey maqaxi wiil qurbajoogha leeyahay kuna tal bartamaha Muqdisho.
Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay maqaayada The Village, warbaahinta Warqaad.com ayaana ogaatay in qaraxaas lagu bartilmaameedsanayay masuul katirsan dowlada Soomaaliya.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxa si gaar ah logu weeraray dhismaha Maqaayad ku taala Guriga Hooyooyinka ee Degmada X/weyne.
Dadka waxyeelada soo gaartay waxaa kamid ahaa labo wariye oo kala ah C/qaadir Sheekh Mucudiin iyo Daahir Ciise, waxa ayna labadooda ka howlgalaan Warbaahinta Kulmiye.
Laamagha amaanka dowladda ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay ninki is qarxiyay sidoo kalena sidex qof oo dad shacab ah ay kud haawacmeen.
Waxaa jiro muuqaalo laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay, si kastaba sawirada hoose ayaa ah kuwa Mobile lagu qaadanay, waxaana dhawaan idiin soo gudbin doonaa sawiro dheeraad ah iyo wararkii soo kordha Insha Allah.








C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![DSC_0412-1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/DSC_0412-11-300x200.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay