Booliska dalkaasi Kanada ayaa shaaca ka qaaday cida dishey laba gabdhood oo Somali ah oo si arxandaro loo diley Jimcihii xilli ay ku sugnaayeen gurigooda.
Booliiska dalka Kanada ayaa gacanta ku dhigay Muscab C/raxmaan Axmed Nuur oo ay ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay dilka laba gabdhood oo Somali ah .
Muscab C/raxmaan Axmed Nuur, ayeey sheegeen Booliska inuu la dhashay gabdhaha uu dilay, balse ma aysan cadeyn Booliska ilaa hada sababta ka dambeysay dilka Gabdhahaasi.
Booliska ayaa sheegay in Muscab uu is adkeeyay markii ay qabanayeen kuna qabteen meel u dhow gurigooda oo uu dilka ka geystay waxaana ay intaa ku dareen in uu dhaawac yar soo gaaray lana dhigay isbitaal.
Muscab ayaa shalay oo Axad ahayd diiday in uu tago Maxkamadda,waxaana isaga oo ka maqan ay Maxkamadda ku xukuntay xeerarka 1aad iyo 2aad ee Dilka.
Labada Gabdhood ee Somalida ah ee Jimcihii la dilay, ayaa aas loogu sameeyay Magaalada Ottawa ee dalka Canada, iyadoo Somalida ku nool dalkaasi ka qaybgaleen aaska.
Maxkamadda ayaa soo jeedisay in Muscab lagu sameeyo baaritaan dhanka Maskaxda ah,waxaana ay wararku sheegayaan in uu dhimirka la’yahay.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay