November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Magacyada beesha Isaaq ee maanta la doortey xildhibaanimada iyo jufada ay ka soo jeedaan

Waxaa mar kale maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabatay Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada oo ka socota xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho waxaa ilaa iminka lagu doortay xildhibaanada kala ah:

Kursiga Beesha Ciidagale/ Danwadago: waxaa ku guuleystay Biixi Imaan Cige oo helay 47 cod.

Kursiga Beesha Arab /Guulane: waxaa ku guuleystay Cabdirisaq Dahir Mohamud oo helay 49 cod.

Kursiga Beesha Muuse Dhariyo: waxaa ku guuleystay Siciid Maxamed Maxamud, waxaana ku guuleystay 43 cod.

Kursiga Beesha Ciidagale/Baha Deqsi: waxaa qaatay Xusen Carab Ciise kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS