November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Deg deg: Magaalada Xalab oo war laga soo saaray

Magaalada ugu weyn Siiriya ee XALAB ayaa gebi ahaanba ku soo noqotey gacanta dawlada Siiriya kadib markii si xun loo garaacay argagixisada akhwaam Muslimiin iyo Jeesh oo ay ka taageeraan Sucuudiga iyo Turkiga.

Guusha dawlada Siiriya ayaa imanaya kladib markii argagixisada lagu dumiyay guri kasta oo ay galaan taasi oo keentay in boqol boqol u dhintaan maydkoodii welii yaalo magaalada dhexdeeda.

Guryaha ay ku dhuumanayeen ayaa inta badan ahaa guryo dadkii lahaa ay ka qixiyeen kana dhigteen dhufaysyo.

Ciidanka dawlada Siiriya ayaa si buuxda gacanta uGu dhigtey markii argagixisadii uGu dambeysay is dhiibeen kadibna loo daadgureeyay gobolka Idlib oo dawladu hadda weerar ku tahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS