November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Afhayeen u hadlay Shariif Xasan oo walwal geliyay Xasan Sheekh

Afhayeenka xafiiska Shariif Xasan Sh Aadan, Cabdulaahi Sheekh Xasan ahna wasiir ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in been abuur ay yihiin wararka sheegaya inuu tanaasulay Shariif Xasan.

Dowladaha Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa la ogaaday in Shariif Xasan ku qal qaaliyeen inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa isla markaana uu taageero madaxweynaha haatan Xasan Sh Maxamuud.

Shariif Xasan Sh Aadan ayaa la aamisan yahay inuu saameyn xoogan ku leeyahay xubnaha cusub ee barlamaanka la doortay.

Hadii Shariif Xasan uu ku adkeysto musharaxnimadiisa ayaa waxaa ay taas xaalada ku adkeyneysaa Xasan Sh oo aad udoonaya kalsoonida xildhibaanada kasoo jeeda Koofur Galbeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS