November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Siilaanyo oo markale korodhsana xukunka maamulka Somaliland: warbixin

Siilaanyo oo aan wax shaqo ah ku lahayn hawlaha maamulka uu madaxweynaha u yahay ayaa wararku sheegayaan in uu korodhsanayo xukunka in muddo ah.

Ila wareedyo madaxbanaan ayaa ARAABINEWS u sheegay in ay diyaar tahay Mudo Kordhintii Labaad ee Siilaanyo iyo beeshiisa loo samaynayo.



Wadahadalada miiska saaran ayaa ah in beelaha ISAAQ loo kordhiyo muddo kolba qolada xukunka ku fadhida si ayna xukun wareejinta muran uga keenin maadaama ayna jirin cid xukunka ku haysata oo isla iyaga yihiin.

Waxase kolba dood looga dhigaa in ay jiraan duruufo keenaya sida colaad oo doorkan iluhu sheegayaan in lagu darsadey Suldaan Wabar oo ciidankiisii hore isku dhiibeen.



Gudiga doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay ku mashquulsanaa arintan iyagoo soo ururinaayay wax laga dhaadhicin karo beelaha ISAAQ ee kursiga raba ee mucaaradka hadda ku magacaaban.

Golaha guurtida ee fadhiga ku qaata xoolaha masaakiinta ayaa iyaguna diyaarinaaya sidii bishan inta ayna dhamaan ay muddo kordhin u samayn lahaayeen.

C/raxmaan Ciro ayaa lagu qanciyay in uuna ka walwalin maadaama isagana loo kordhin doono haddii uu ku guulaysto. Beesha Siilaanyo iyo Faysal Waraabe ayaa ku doodaya in dadkoodii u qaxeen Awdal.



Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa qoraalka ay soo saaraan ee dadka la soo bandhigo. Waxase muddo kordhin kale aad uga soo horjeeda taageereyaasha maamulka sida Ingiriiska oo wax ka bedeli karo go’aan kasta oo ay qaataan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS