Labada argagixiso ee is dhalay ee Alqaacida iyo Daacish oo Carabta iyo Afganistaan baabiiyay ayaa isku qabsadey keebaa Muslimiinta Shiicada dili kara.
War uu soo saaray hogaamiyaha Masaariga ah ee Alqaacida ayuu ku eedeeyay dhigiisa argagixisada Daacish in ay been ka sheegeen kuna sheegeen Alqaacida kuwo u naxariista oo aan dhiigooda cabin Muslimiinta Shiicada iyo Kiristaanka ku nool Carabta.
”Waa beenayaal argagixisada Daacish waxayna nagu sheegeen kuwa aan dilin Shiicada” ayaa laga soo xigtey Sawahiri.
Sawahiri ayaa laga soo xigtey cajalad uu soo duubey in uu yiri Kiristaanka degan Ciraaq iyo Siiriya lama qabsanayno xukunka, wuxuuse Sawahiri sheegay in aanu oran sidaasi ee uu yiri xukunka maya laakiin ganacsiga waan la wadaageynaa.
Daacish ayaa ku eedeeyay Alqaacida in ay naxariis badan yihiin oo isla markaana kooxdii Alqaacida badankeedu ku biireen Daacish oo isku amaanaysa dilida muslimiinta Shiicada.
Dagaalkan u dhexeeya labada argagixiso ee ugu taajirsan argagixisooyinka jira ayaan dhamaan doonin inkastoo ALqaacida badankoodu boqolkiiba 98 ay noqotey Daacish.
Alqaacida ayaa iyaguna ku eedeeyay Daacish in ay si bani aadamnimo iyo diinta ka baxsan u xasuuqaan shacabka iyadoo aan loo aabo yeelin meelkasta oo ay joogaan xataa tukaanada ayna dhaafin.
Daacish ayaa iyaguna leh meelkasta waa bartilmaameed Alqaacidana ku sheegay kuwo aan dhaamin. Dagaalka labada argagixiso ayaan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay