Dhacdo aad u xun oo naxdin badan ayaa kadhacdey degmada Walloweyn ee gobolka Shabeelaha hoose sida ay ku warameen dadka deegaanka.
Warka ayaa intaa ku daray in hooyo Soomaaliyeed ay si aan ula kac aheyn ugu dishay caruur ay iyadu dhashay.
Sheekh Dahabi Sheekh Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta uga waramay falka naxdinta leh ee ka dhacay deegaanka, isaga oo sheegay in Hooyo Soomaaliyeed saddex caruur ah oo ay dhashay oo xanuunsanayey siisay sunta cayayaanka kadib markii ay ku qaladay sharoobo xanuun baabi’iye ah oo Aabaha qoyska uu u keenay caruurtiisa.
‘’Dadka deegaanka aad ayey arintan uga naxeen markii uu soo gaadhay warka ku saabsan in hooyo Soomaaliyeed gacanteeda sababsadeen caruur ay dhashay, kadib markii si aan ula kac aheyn u siisay sunta cayayaanka’’ ayuu yidhi Sheekh Dahabi oo ka mid ah dadka deegaanka.
Waxaa uu intaa ku daray in Aabaha reerka mar kaliya guriga wada keenay sharoobada xanuun baabi’iyaha ah iyo dhalo ama quraarad ay ku jirtay sunta cayayaanka lagu dilo, taasoo keentay in hooyada ay kala garan weydo.
‘’Xaalada wiilka nool wali waa ay liidataa, wax gurmad ah ma helin, deegaankii uu falkan ka dhacay ayuu wali ku sugan yahay, Hooyada iyo Aabaha caruurta dhalayna xaaladooda ma wanaagsana tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay caruurtooda geeriyoodeen’’ayuu yidhi Sheekh Dahabi.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay