Waxa hadda Iyana la soo afmeeray jagada ku xigeenka labaad ee afhayeenka aqalka sare ee barlamaanka Somaliya. Jagadan oo ahayd tii ugu adkeyd ayaa wax ku tartamay ilaa sadex musharax.
Doorashada oo aheed mid iyana adag ayaa gaartay ilaa sadex wareeg, waxaana wareega ugu dambeeya isugu soo haray labo Musharax kadib markii Musharaxiintii kale ay ku hareen labadii wareeg ee kale.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ayaa waxaa ku guuleestay Xildhibaan Mowliid Xuseen Guuleed oo helay codad gaaraya 28-cod halka Xildhibaan C/Kaafi Macalin Xasan uu isna helay codad gaaraya 24.
Xildhibaan Mowliid Xuseen Guuleed ayaa ka soo jeeda beesha Mareexaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay